Covid-19: Dhibaatada "been abuurka qosolka leh" ee laga sameyay tallaalka Coronavirus

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wacyigelinnada, aalaaba loo adeegsado qaab sawirro qosol leh iyo muuqaallo, waxay qeyb ka yihiin sida ay iskula xiriiraan dadka baraha internet-ka, balse waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa in lagu faafiyo warbixinno marin-habaabin ah.
Waxaan eegeynaa sida sawirradaas ay warbixinno khaldan uga gudbin karaan tallaalka Covid-19, iyadoo dadka baahinaya ay walaac ka muujinayaan tallaalka iyo saameyntooda iyo bad-qabkooda.
Si xun u isticmaalidda hees si loo faafiyo xog khaldan
Mid ka mid ah wacyigelinnadaas - oo ay ku jiraan sawirro laga soo qaatay mid ka mid ah heesaha fannaanka caanka ah ee qoob ka cayaarka ee Drake - ayaa magaciisa toddobaadkan lagu hadal hayay baraha bulshada dalalka UK iyo Mareykanka - kuwaas oo lagu faafinayo sheegashooyin been ah oo ku saabsan in tallaalka uu isbeddel ku sameyn karo hidda sidaheenna (DNA).

Waxaa sidoo kale lagu xusay in heerka ka soo kabashada cudurka ay tahay 99.97% - iyo in xanuunka uu kugu dhaco ay ka fiican tahay tallaalka.
Waxaynu aragnay doodaas oo kale oo ka dhan ah tallaalka Covid-19 oo lagu wadaagay baraha bulshada - taas oo su'aal gelineysa sababta aan ugu baahannahay tallaal haddiiba ay aad u yartahay in cudurka loo dhinto.
Aynu ku billowno, tirada lagu sheegay sawirka "heerka ka bogsashada" - ee tilmaameysa in ay yihiin dad uu ku dhacay fayraska - ma ahan sax.
Illaa 99.0% dadka uu ku dhacay fayraska Covid-19 way ka badbaadeen, sida uu sheegay Jason Oke, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford.
Sidaas darteed 100-kii qof ba ee ka mid ah 10,000 oo qof, way u dhiman karaan cudurka - taas oo aad uga badan saddexdii qof ee ku jirta 10,000, sida lagu xusay sawirka wacyigelinta.
Si kastaba, Mr Oke ayaa intaas ku daray in "halista ay ku xiran tahay da'da oo aysan ku xirenyn muddada uu qofka la xanuunsanayo Covid-19".
Haddii uusan jirin tallaal, waxaa jiri doona dad badan oo qaada xanuunka - taasna dhimasho ayaa ka dhalan doonta - kahor inta aysan dad badan adkeysi u yeelan in jirkooda uu ka hortago faafinta fayraska. Tani waxaa loo yaqaannaa adkeysiga difaaca jirka - marka qeyb ka mid ah bulshada uu ku dhaco fayraska.
Keliya maaha in laga badbaado. Qof walba oo dhinta oo keli ah ma ahan, waxaa jira kuwo kale oo uu ku dhacay isla markaana ay u socoyo daryeel caafimaad oo gaar ah, iyo qaar kale oo la daalaa dhacaya saameyn caafimaad oo muddo dheer socota.
Tani waxay saameyn ku yeelan kartaa adeegga caafimaadka ee ay cusleeyeen bukaannada Covid, oo u kala ordaya adeegyada isbitaalka ee gabaabsiga ah si loola tacaalo bukaannada qaba xanuunnada iyo dhaawacyada kale.
Shactiro ama marin-habaabin?
Iyadoo dad badan ay la tahay wax lagu qoslo, haddana sawirrada wacyigelinnada waxay sidoo kale sidaan farriimo khaldan.
Qaar ka mid ah sawirrada wacyigelinta ugu caansan ee ku saabsan tallaalka waxay muujinayaan in tallaalka uu reebi karo saameyn ba'an.

Sawirrada dad qaar oo wejigooda uu isbedelay amaba xayawaanno u ekaaday ayaa lagu baahiyay internet-ka, waxaana la raaciyay sheegasho ah inay dadkaasi yihiin "qofka ugu horreeya ee qaata tallaalka" ama cinwaanno sheegaya in tallaalku "uusan xitaa xanuun ahayn".
Waxaa laga yaabaa in sawirradaas loogu talo gelin inaan la aaminin, balse waxaa alaaba lagu wadaagaa qolalka baraha bulshada ee ay ku jiraan dad si weyn uga soo horjeeda tallaalka.
Waa run in tallaalka uu yeelan karo saameyn, balse waa mid khafiif ah sida xanuun yar oo gacanta ah, madax-xanuun ama qandho joogto maalin ama labo ah.
Tallaalka wuxuu soo maraa baaritaanno adag oo dhanka bad qabka ah kahor inta aan loo soo bandhigin bulshada, iyada oo si dhow loola soconayo saameynta ka dhalata.
Markii ay muddo bilooyin ah sawirradaas ka soo muuqdeen baraha bulshada, dadka qaar ayaa bilaabay in ay su'aalo iska weydiiyaan haddii sheegashooyinkaas ay yihiin kuwo been ah.

Sawirro kale oo aad la iskula wadaagay ayaa isla xiriirinaya macluumaad khaldan oo tallaalka ku saabsan iyo xorriyadda shakhsiga.
Waxaa kale oo jira kuwo dafiraya khatarta coronavirus, waxayna sheegeyaan inuu jiro qorshe ka dambeeya soo saaridda tallaalka.

Sawir kale ayaa muujinaya in tallaalka uu horseedi doono in dadka laga codsado in ay soo wareejiyaan hubkooda. Balse ma jiraan caddeymo la xiriira arrimahaas.
Warbixin laga sameeyay wada sheekeysiga ku saabsan tallaalka ee luqadaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbaanishka, ayaa lagu ogaaday in erayga xorriyadda aad loogu adeegsaday luqadda Ingiriiska, gaar ahaan gudaha Mareykanka.
Seb Cubbon, oo ka mid ah dadka wax ka qoray warbixinta kana tirsan ururka aan faa'iido doonka ahayn ee ka hortaga warbixinnada marin-habaabinta ah, ee loo garanayo First Draft, ayaa BBC-da u sheegay in tan loo sababeyn karo arrimo dhowr ah, oo ay ka mid tahay taariikhda siyaasadeed ee Mareykanka iyo xiriirka ay muwaaddiniinta aaminsan yihiin in ay la leeyihiin dowladda.